|
Baladweyne,(insidesomalia.org)-Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dhawaanahan ku sugnaa Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa isaga guray Goobo ay ka degenaayeen gudaha Magaalada Baladweyne.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ayaa saaka ku waaberiistay iyadoo ay faaruq yihiin Saldhiga Booliiska iyo Buundada Liiq liiqaato ee Baladweyne, kadib markii ay isaga guureen Ciidamada Itoobiyaanka ahaa ee dhawaanahan halkasi ay fariisinka u aheeyd , kadib markii ay wajeheen sida la sheegay dhanka Buurta Janta kun Dishe ee duleedka Bari ee Magaalada Baladweyne.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa saaka waaberigii la arkayay iyagoo ka Guuraya Magaalada Baladweyne, kuwaasi oo watay Gaadiid dagaal, waxaana qaarkood ay si lug ah ku socdeen Wadada hareereheeda waxaana ay Ciidamada Itoobiyaanka si qasab ah ku sii kexeeysteen Gaadiid Xamuul ah oo u rarnaa dad shacab ah, kuwaasi oo ay ku daabusheen Saanado Milateri oo ay lahaayeen Ciidamadaasi Itoobiyaanka ee deganaa Magaalada gudeheeda.
Ka guuritaanka Ciidamada Itoobiyaanka ay kaguureen gudaha Magalada Beledweyne ayaan la ogeen sababta dhabta ah ee kadanbeeysa, balse waxaa jira cadaadis lagu saarayay dhawanaha Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka ugala wareegi lahaayeen iyo weliba kulamo joogto ah oo ay wada qaadanayeen Odayaasha Baladweyne iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, kaasi oo lagu lafa gurayay sidii Ciidamadaasi ay uga guuri lahaayeen Gudaha Magaalada.
Waxaa saaka degan Jawiga Magaalada kaasi oo ka Bedelan sida uu ahaa Bilo ka hor waxaana saaka dib loo furay goobaha ganacsi ee ay fariisinta ka sameeysteen Ciidamada Itoobiyaanka,ee afaafka hore ee Buundada Liiq Liiqato.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa weeraro xoogan oo ah kudhufo oo ka dhaqaaq kala kulmay xoogaga ka soo hor jeeda waxaana xiliyada weeraradaasi dhacayeen ay Ciidamada Itoobiyaanka ay ka soo gaartay qasaare xoogan oo aan la cadeeyn Karin.
Saldhiga Booliiska ee Magaalada Baladweyne ee ay Ciidamada Ethiopianka ka gureen ayaa waxaa saaka lagu arkayay Ciidamo Booliis DKMG Soomaaliya oo halkasi ku sugan.
Dhanka kale waxaa saaka degan xaalada Isgooyska Kala Beeyr oo ay shalay halkasi ku dagaalameen Xoogaga Al shabaab iyo Kooxo Maleeshiyo ah oo ay Jidgooyo u taalay Waxaana Dadka deegaanka ay sheegeen in ay saaka ku arkeen dhig fara badan waloow aysan indhahooda saarin wax dhimasho ah oo soo kala gaaray labada dhinac, mana jiraan wax dad ah oo halkasi ku sugan.
|